Dibad baxyaal careysan ayaa gudaha u galay dhismaha qunsuliyadda safaaradda Iiraan ay ku leedahay magaalada Al-basra ee dalka Ciraaq, iyagoona gebi ahaanba gubay dhismaha.
Dadka banaanbaxyada dhigaya ayaa ka careysan faragelinta dowladaha deriska la ah dalka Ciraaq ay ku hayaan madax banaanida dalkaas, iyo sido kale musuq maasuq baahsan oo ka jira guud ahaan gobolka.
Afhayeen u hadlay safaaradda Iiraan ee dalka Ciraaq wuxuu warbaahinta u xaqiijiyay In gebi ahaanba dhismaha qunsuliyadda uu gubtay, islamarkaana wixii yaalay ay ku dhex gubteen.
Waxaa lagu soo waramayaa in banaanbaxyadan oo xalay dhacay ay geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa shaaca ka qaaday iney isugu imaan doonaan kulan deg deg ah oo looga hadli doono arimaha magaalada Al-basra ka taagan.
Dowladda Iiraan ayaa kamid ah dowladaha ugu xooga badan marka laga soo tago Maraykanka ee faragelinta iyo gumeysiga ku heysta dalka muslimka ah ee Ciraaq.