
Bayaan kasoo baxay Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan, laguna faafiyay baraha internetka ayaa lagu iclaamiyay geerida mid kamid ah hogaamiyaasha rug cadaaga ee jihaadka ka socda caalamka islaamka.
Waa sheikh Jalaalu-diin Xaqqaani raximahullaah, oo kamid ahaa hogaamiyaasha waaya aragga ah, kana qeybgalay dagaalladii Jihaadka ee Afqaanistaan ay marti gelisay tan iyo sideetameeyadii.
Horudhac iyo fur furasho kadib waxaa bayaanka kasoo baxay Imaarada lagu yiri “ innagoo rumeysan qadaha Allaah iyo qadartiisa, waxaan si murugo iyo tiiraanyo ay ku jirto ugu soo gudbineynaa shacabka Afqaanistaan, mujaahidiinta, iyo guud ahaan Umadda islaamka, geerida shakhsiyadda weyn ee Jihaadka casrigan, ahna caalim diineed oo muuqda, hogaamiyaha hal abuurka ah ee ka qeyb qaatay labada jihaad, ahaana wasiirkii xuduudaha xilligii xukunka Imaarada islaamiga, xubinna ka ah golaha shuurada ee Imaarada, kaas oo ah Mowlawi Jalaalu-diin Xaqqaani, muda dheer oo uu xanuunsanaa kadib, Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi raajicuun”.
Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan waxay taczi gaar ah u dirtay qoyska ku caan baxay Jihadka iyo halganka ee uu sheekhu ka dhashey, iyadoona Allaah u weydiisay sheekha inuu u naxriisto, jannadiisana geeyo, kana abaal mariyo dhibaatooyinkii uu sheekhu kula kulmay wadada Jihaadka, dacwada iyo islaaxa.
Goordhow waxaan idin soo gudbin doonnaa Inshaa’Allaah Warbixin ku saabsan bayaanka kasoo baxay Imaarada.