HomeAll newsMaraykanka Oo Weerar Fashilmey ku qaaday Deegaan katirsan Shabeellaha-hoose.

Maraykanka Oo Weerar Fashilmey ku qaaday Deegaan katirsan Shabeellaha-hoose.

Ciidamo Maraykan ah oo ay wehlinayaan kuwa Soomaali ah oo la shaqeeya ayaa weerar kusoo qaaday deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo kamid ah deegaannada lagu maamulo Shareecada islaamka.

Ciidamada Maraykanka ayaa ku dhacay kamiin adag oo ay u dhigeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, oo u muuqday iney ka war hayeen dhaq-dhaqaaqa ciidamada Maraykanka.

Ameerikaanka waxaa nawaaxiga deegaanka kusoo dejiyay diyaarado hellecopter ah, waxaana markaas kadib ay soo aadeen deegaanka, balse inta aysan soo gaarin ayaa xabadda lagala hormaray, taasoo keentay in ciidamada Maraykanka iyo kuwii la socday ay kala cararaan.

Goobihii lagu dagaallamay waxaa ka muuqda raadadka ciidamada Maraykanka ee la eryay, waxaana warar la helayo ay sheegayaan in goobta dagaalka ay uga  cararaan ciidamo meyd ah.

Arintan ayaa waxaa aad looga hadal hayaa deegaanka Mubaarak ee wilaayada islaamiga ee Shabeellaha hoose, waxaana la rumeysanyahay in ciidamada Maraykanka iyo Soomaalida la socotay uu gaaray khasaare adag.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular