Donald Trump oo ah cunsuri weyn, tan iyo markii uu la wareegay Aqalka cadna ku dhaqaaqay tallaabooyin kala duwan oo ka dhan ah muslimiinta ayaa go’aan ku gaaray inuu joojiyo taageerada uu siinayay hay’ad kamid ah kuwa taageera qoxootiga Filastiin.
Trump wuxuu sheegay in gebi ahaanba uu joojiyay dhaqaalihii dowladiisu siin jirtay hay’adda Onra oo ah hay’ad sheegata iney taageerto qoxootiga Filastiiniyiinta.
Xafiiska hay’adda ay ku lahayd dalka Maraykanka ayaa irdaha la isugu laabay, kadib go’aanka kasoo baxay dowladda Maraykanka.
Agaasimaha hay’adan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney soo wajahday xaalad adag, islamarkaana aysan awoodin iney sideeda usii wado howlihii ay qaban jirtay hay’adda.
Wuxuu sheegay inuu ka qeybgeli doono kulan ka furmaya magaalada Al-qaahira oo ay isugu imaanayaan Jaamacadda Carabta.