Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay weerar culus ku ekeeyey fariisimiyaasha magaalada Marka ku leeyihiin ciidamada dowladda federaalka.
Ciidamada Al-Shabaab oo aad u hubeysan ayaa dagaal culus kusoo galay magaalada, waxayna farasaareen ciidamada dowladda, iydoona dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dadka deegaanka waxay sheegayaan in labada dhinac ay isku adeegsadeen hub aad u culus, islamarkaana xaafado katirsan magaalada Marko lagu arkay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Ciidamada dowladda ayaa la rumeysanyahay inuu soo gaaray khasaare culus, walow aan la helin faafaahin rasmi ah.
Magaalada Marka ayaa dhawaan waxaa xaafado kamid ah soo galay ciidamada dowladda, kuwaas oo dhib iyo amni kusoo kordhiyay magaalada.