Iyadoo ahmiyadda ay leedahay Geeska Africa oo uu ku yaalo dalka Soomaaliya si aad ah loo dareemay, tartanka dowladaha ay ugu jiraan iney qabsadaan mandiqadan uu sii xoogeystay ayaa maamulka Aala-Sucuud wuxuu shaaca ka qaaday damaciisa fog ee ku aadan mandiqadan.
Safiirka maamulka Aala-Sucuud u fadhiya dalka Maraykanka Khaalid bin Salmaan ayaa bartiisa twitterka hadal uu ku qoray wuxuu ku sheegay in geeska Africa oo uu maro baabul mandab uu yahay mid leh muhiimad gaar ah, oo amnigiisuna ku xiranyahay amniga maamulka Aala-Sucuud.
Wuxuu sheegay Khaalid bin Salmaan in dowladiisu ay sii xoojin doonto faragelinta ay ku heyso geeska Africa, si buu yiri looga hortago galaan galka dowladda Iiraan ay ku yeelaneyso mandiqadan istiraatiijiyada gaarka ah xambaarsan.
Safiirka maamulka Aala-Sucuud ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in iyagoo dareemaya muhiimadda geeska Africa uu maamulkiisu marti geliyay heshiis taariikhi ah oo dhexmaray dowladaha Itoobiya iyo Ereteriya.