HomeAll newsKudhawaad 100 askari oo lagu dilay dagaallo ka dhacay gobolka Meydaan...

Kudhawaad 100 askari oo lagu dilay dagaallo ka dhacay gobolka Meydaan Wardak ee Afqaanistaan.

Wararka ka imaanaya dalka Afqaanistaan ayaa tibaaxaya in dagaallo culus uu marti geliyay gobolka Meydaan wardak, kaas oo dhexmaray ciidamada Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan iyo kuwa xukuumadda Kaabul.

Dagaallada oo dhowr maalmood socday waxay xoogeeda ka dheceen degmada Jalqa ee gobolka Meydaan Wardak, waxaana labada dhianc ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Waxaa u suuragashey ciidamada Dhaalibaan iney gebi ahaanba la wareegaan magaalada Jalqa, kana taagaan raayada cad ee Towxiidka, iyagoona dhanka kale gacanta ku dhigay saanado hub  ah oo kala duwan.

Ugu yaraan 70 askari oo katirsan xukuumadda  Kaabul ayaa lagu dilay dagaalka ka dhacay Balqa, waxaana ku jira taliyihii ciidamada  Amaanka ee degmada.

War kasoo baxay Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan waxaa lagu sheegay in wadooyinka magaalada ay daadsanyihiin meydadka ciidamada xukuumadda  Kaabul ee lagu dilay dagaalka, halka kuwii badbaadeyna ay lugahooda ku baxsadeen.

Saanado hub aad u farabadan, islamarkaana kala duwan ayay gacanta ku dhigeen ciidamada Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan, waxaana kamid ah 5 gaari oo noooca Hamvy ah, qori shilke ah, madaafiicda P9, hoobiyaal, 50 qori M16 oo Ameericaan ah, iyo rasaas aad u farabadan.

Ciidamada Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan markii ay la wareegeen magaalada Jalqa waxay sii baacsadeen ciidamada firxaday, iyagoona gacanta ku dhigay lix control oo kamid ah difaacyada laga ilaalinayay degmada Jalqa.

Sida uu sheegay Afhayeenka Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan, waxaa dagaalladan dhanka mujaahidiinta uga shahiiday  4 mujaahid, halka ay uga dhaawacmeen   6 kale.

Howlgalkan ay Mujaahidiintu kula wareegeen degmada Jalqa ee gobolka Meydaan Wardak ayaa qeyb ka ah howlgallad Al-khandaq oo si habsami leh uga socda dhamaan wilaayaadka dalka Afqaanistaan, waxaana ciidamada Maraykanka iyo xulafadooda ay ku jah wareersanyihiin sida ay uga hortagi lahaayeen dardarta howlgallada Jihaadiga ee ay wado Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular