Wararka ka imaanaya dalka Yaman ayaa sheegaya in ciidamda maamulka Aala-Sucuud iyo kuwa Imaaraadka ay dileen kaluumeysato Yamaniyiin ah oo ka jillaabanayay xeebaha badda cas.
Ugu yaraan 18 kalluumeyste oo ka jilaabanayay xeebaha magaalada Al-xudeyda ayaa geeriyooday kadib markii ay beegsadeen isbaheysiga uu hogaaminayo maamulka Aala-Sucuud.
Aala-Sucuud iyo Imaaraadka ayaa ku andacooda in kaluumeystada ay kusoo gambadaan malleeshiyaad katirsan Xuuthiyiinta kuwaas oo fuliya weeraro ka dhan ah isbaheysiga carbeed.
Dilka kalluumeystadan wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo uu dib u billowday dagaalka ka socda magaalada Al-xudeyda, kaas oo dhexmaraya ciidamo katirsan xukuumadda Yaman oo taageero ka helaya isbaheysiga carbeed iyo malleeshiyaadka Xuuthiyiinta.