Waxaa la xaqiijiyay in maamulka Aala-Sucuud uu xabsiga dhigay mid kamid ah culimada isaga taageersaneyd, ahaana imaamka masjidka kacbada ee sharafta leh.
Xisaab ka furan barta twitterka oo ku caan baxay soo gudbinta wararka la xiriira maxaabiista cusub ee sanadkan uu maamulka Aala-Sucuud xiray ayaa xaqiijiyay in xabsiga la dhigay sheekh Bandar bin Cabdil-Caziiz, oo ahaa imaamka Masjidka kacbada.
Waxaa la sheegayaa in sheekha si adag oo aad u liidata loola dhaqmey markii la xirayay, taas oo uu ka gaabsaday xisaabku inuu soo gudbiyo isagoo ku andocoonaya ilaalinta nafsiyadda Maxbuuska ee la xiray.
Maamulka Aala-Sucuud ayaa isku dayay inuu aad u qariyo xirista sheekhan, waxaana isagoo maxbuus ah dhowr salaadood la keenay masjidka si uu salaadda u tujiyo, una dafiro in la xiray.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xirista imaamka Kacbada Sheekh Bandar bin Cabdil-caziiz, waxaana muuqata in maamulka Aala-Sucuud uu si cashwaa’I ah uu markan dadka u xir xirayo.
Kumanaan ruux ayay marayaan maxaabiista xabsiga la dhigay tan iyo markii Muxamed bin Salmaan uu noqday dhaxalsugaha koowaad ee qoyska Aala-Sucuud.
Xanuuno ka dhashey daryeel la’aan caafimaad ayaa ka dillaacay xabsiyada ku yaala magaalooyinka Riyaad iyo Jiddah, halkaas oo ay ku xiranyihiin inta badan maxaabiista uu maamulka Aala-Sucuud xabsiga dhigay.