HomeAll newsDagaallo Culus oo Xalay ka dhacay Degmada Heliwaa ee Muqdisho.

Dagaallo Culus oo Xalay ka dhacay Degmada Heliwaa ee Muqdisho.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay dagaallo saf  ballaaran ah ku qaadeen  saldhigyo ciidamada dowladda federaalka ku leeyihiin xaafada Suuqa-xoolaha ee degmada Heliwaa gobolka Banaadir.

Dagaalka ugu  culus wuxuu ka dhacay biya degeenka Suuqa-xoolaha waxaana lagu weeraray ciidamo katirsan dowladda oo halkaas ku lahaa isbaaro ay dadka iyo gawaarida ku baadaan.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dagaalku ahaa mid culus, oo labada dhinacna isku  adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Waxaa la xaqiijiyay in ciidamo katirsan dowladda ay dagaalkaas dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen, iyadoona goobihii lagu dagaallamay lagu arkayo raadad muujinaya waxyeellada gaartay ciidamada dowladda.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gacanta ku dhigay hub kala duwan oo ay ka carareen ciidamada dowladda, waxaana markii ay weerarka soo afjareen ay dib ugu laabteen saldhigyadii ay kasoo duulaan tageen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular