HomeAll newsDaadad ay dad badani ku dhinteen oo ku dhuftay dalka Fillibiin.

Daadad ay dad badani ku dhinteen oo ku dhuftay dalka Fillibiin.

Wadanka Fillibiin ee dhaca qaaradda Asia waxaa ku dhuftay daadad xoogan oo geystay khasaare isugu jira jirta mid nafeed iyo mid dhaqaale.

Duufaantan oo loogu magacdaray Mankot ayaa ku dhufatay qeybo badan oo kamid ah jaziiradaha dalka Fillibiin, iyadoona ay ku barakaceen kumanaan ruux.

Mas’uul la hadlay warbaahinta, oo katirsan xukuumadda Fillibiin ayaa shaaca ka qaaday in ugu yaraan 25 ruux ay ku dhufteen daadadkan oo xoogooda dhacay maanta oo Axada ah.

Kumanaan ruux ayaa ka barakacay guryahooda, kuwaas oo ku sugan xarumo loogu talagalay gurmadka deg dega ah oo ay dhistay xukuumadda Fillibiin.

Sarkaal u hadlay dowladda wuxuu sheegay in marba marka ka dambeysa uu sii kordhayo khasaaraha ka dhalanaya duufaantan loogu magacdaray Mankoot.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular