HomeAll newsCiidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ee Jooga Diinsoor oo Dagaal lagu qaaday.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ee Jooga Diinsoor oo Dagaal lagu qaaday.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar saf ballaaran ah waxay ku qaadeen fariisimiyaasha gudaha iyo hareeraha magaalada Diinsoor ku leeyihiin ciidamada maamulka Koonfur-galbeed iyo kuwa Xabashida Itoobiya.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay dagaal culus ku galay gudaha degmada Diinsoor, waxayna fara saareen ciidamada Itoobiyaanka iyo malleeshiyaadka Soomaalida.

Dagaalka ugu culus wuxuu ka dhacay saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Koonfur-galbeed, waxaana lagu dilay 3 askari, halka afar kalana ay dhaawacyo soo gaareen.

Dagaalka oo dhacay saqdii dhexe ee xalay waxay dadka magaalada sheegeen inuu aad u xooganaa, la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dhawaan ayay ahayd markii duleedka degmada Diinsoor lagu weeraray malleeshiyaad doonayay iney dadka dhacaan oo kasoo tagay magaalada Diinsoor, waxaana lagu dilay tiro ciidamo ah, halka kuwa kalana la dhaawacay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular