HomeAll newsCiidamada Al-Shabaab Oo Weeraray deegaanka Ambareeso ee duleedka Baraawe.

Ciidamada Al-Shabaab Oo Weeraray deegaanka Ambareeso ee duleedka Baraawe.

Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus habeenimadii xalay ku qaaday fariisimiyaasha deegaanka Ambareeso ku leeyihiin Shisheeyaha iyo ciidamada dowladda federaalka.

Dagaalka oo ahaa mid culus, la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa jugta daryanka waxaa laga maqlayay deegaannada u dhow Ambareeso iyo magaalada Baraawe.

Ciidamada  Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ka dhex dagaallamay gudaha deegaanka Ambareeso, waxaana Shisheeyaha iyo kaaliyaashooda lagu ekeeyey rasaas cul-culus.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii xalay oo ku daba feylaya howlgallada kala duwan ee ka socda gobolka Shabeellaha hoose goobaha ay Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka ka joogaan.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular