Gaari nooca dagaalka ah oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa qarax lagula eegtay duleedka magaalada Kismaayo xarunta maamulka Jubbada hoose.
Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan ayaa burburiyay gaari nooca Cabdi bile ay soomaalidu u taqaan, iyadoona ay dhinteen ciidankii saarnaa gaariga.
Ugu yaraan 12 askari oo katirsan maamulka Jubbaland ayaa ku dhintay qaraxan, halka uu sidoo kale dhintay sarkaal ciidamada hogaaminayay oo saarnaa gaariga, taas oo wadarta guud ee dhimashada ka dhigeysa 13 ruux.
Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa had iyo goor waxay la kulmaan weeraro kala duwan oo ay soo qaadaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Dhinac kale, qarax xoogan oo lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamo iyo saraakiil katirsan dowladda federaalka ayaa ka dhacay deegaanka N:60 oo katirsan gobolka Shabeellaha hoose.
Labo sarkaal oo katirsan dowladda iyo ilaaladooda ayaa ku quur baxay qaraxan, iyadoona gebi ahaanba uu burburay gaariga.
Howlgallada ay fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo kuwa Shisheeyaha ayaa sii kordhaya, waxaana muuqata in ciidamada Al-Shabaab ay ku tartamayaan dar dar gelinta howlgalladooda.