HomeAll newsKudhawaad 10 Askari Oo katirsan Dowladda Oo Lagu dilay Magaalada Marka.

Kudhawaad 10 Askari Oo katirsan Dowladda Oo Lagu dilay Magaalada Marka.

Iyadoo maanta ciidamo huwan ah oo Shisheeye iyo Soomaali ka kooban ay gudaha u galeen xaafado katirsan magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa magaalada ka dhacay qaraxyo iyo dagaal.

Qaraxyo dhowr ah ayaa lala eegtay ciidamada huwanta ah ee gudaha u galay magaalada Marka, waxaana lagala horyimid rasaas xoogan, iyadoona cabsi xoogan ay soo wajahday.

Ugu yaraan 10 askari oo katirsan ciidamada dowladda ee uu wato Generaal Caanood ayaa lagu dilay qaraxyada iyo rasaasta ka dhacday magaalada Marka.

Dadka shacabka ah ayaa ka barakacaya magaalada Marka, kuwaas oo dareemaya inaaney jireynin nabad haddii malleeshiyaadka iyo Shisheeyaha ay gudaha usoo galaan magaalada Marka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular