Madaxweynihii hore ee Tigreega u qaabilsanaa dhulka Soomaali-galbeed Cabdi Maxamuud Ilay ayaa loo taxaabay xabi ay maamulaan ciidamada Itoobiya.
Muuqaal laga baahiyay tvga ku hadla afka dowladda Itoobiya waxaa lagu arkayaa Ina Ilay oo guri laga soo bixinayo, islamarkaana ay hareeraha ka taaganyihiin ciidamo katirsan milliteriga Itoobiya.
Xabsi ku yaala magaalada Adis-Ababa ayaa la sheegayaa in lagu xiray Ina Ilay, laguna wado in lasoo taago maxkamad ku taalla magaaladaas.
Waxaa ka muuqday Ina ilay liidnaan iyo murugo aad u ballaaran, waxana muuqaneysa inuu ka dhacay habaarka dadkii taagta daranaa ee tobanaanka sano ku dhibaateynayay dhulka Soomaaliyeed ee ku jira gacanta Xabashida.
Xiritaankiisa waxay timid, kagadaal markii dhawaan ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed uu shaaca ka qaaday in maxkamad lasoo taagi doono Ina Ilay iyo dadka lamidka ah.
Inkastoo Ina Ilay uu ahaa mid ku shaqeeya awaamiirta Tigreega, ayaa waxaa muuqaneysa in markii laga gaaray dantii laga lahaa uu masiirkiisa noqday xabsi, waana sidan dhamaadka qof kasta oo daalim ah.
Guriga Ina ilay waxaa laga soo qabtay Hub kala duwan oo ka kooban Aakiyaal iyo bastoolado, lamana oga waxa hubka intaas la eg uu keligiis u heystay.