Mu’assasada warbaahineed ee As-saxaab ayaa baahisay juzka labaad ee xalqada tobnaad silsiladda Guga islaamka, oo uu jeediyo Sheekh Ayman Al-dawaahiri Allaah dhowree.
Qeybtan wuxuu sheekhu kaga hadlay loolanka adag ee bariga Africa horey iyo hadaba ugu dhexmaray islaamka iyo kufriga, wuxuuna soo sardiyay qisooyin iyo dhacdooyin ay taariikhdu diiwaangelisay oo muujinaya sida taariikhda fog ee uu leeyahay JIhaadka bariga Africa.
Kalimadan oo la dhageysan karo inkabadan 30 daqiiqo, laguna soo qaatay kalimaad ay leeyihiin hogaamiyaal katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo isugu jira kuwa nool iyo kuwa shahiiday, sida Sheekh Muxamed Dulyadeyn, Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr, Sheekh Cali Dheere iyo Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeyda, ayuu sheekhu kudiray fariimo dhaxalgal ah oo ku socoda mujaahidiinta iyo muslimiinta bariga Africa.
Ugu horeyn sheekhu wuxuu soo hadalqaaday markii Saliibiyiintu isku fidiyeen bariga Africa, ololihii gaaleysinta ee ay billaabeen iyo sida shacabka muslimka ah uu isaga diiday arintaas, diintiisana u ilaashaday.
Kalimadan oo uu sheekhu kaga hadlay arimo badan oo taariikhi ah, kuna saabsan taariikhda islaamka ee isugu jirta sarakac iyo dib u dhaca, wuxuu soo hadalqaaday Xarakaadkii islaamiga ee billowgii sagaashameeyadii ka hana qaaday Soomaaliya, kuwaas oo faafinayay diinta islaamka.
Ugu dambeyn Sheekh Ayman Al-dawaahiri, wuxuu baaq muhiim ah u jeediyay muslimiinta bariga Africa iyo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.