HomeAll newsDowladda Kenya Oo sheegtay in Ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya.

Dowladda Kenya Oo sheegtay in Ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya.

Uhuru Kenyata; madaxweynaha Kenya.

Ciidamada Kenya oo qeyb ka ah duulaanka Shisheeyaha isku magacaabay AMISOM ay kusoo qaadeen Soomaaliya ayaa hadda waxay dowladooda sheegeysaa iney kala baxeyso ciida Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyata ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadiisa uu dhawaan kala bixi doono dalka Soomaaliya, laguna  celin doono dalkooda.

Kenyata ayaa sheegay in ciidankiisa muda dheer ay joogaan Soomaaliya, qarashna uu ku socodo, wuxuuna intaa ku daray in Donald Trump uu kala hadlay arintaas, uuna ku wargeliyay inuu doonayo in ciidamadiisa uu kala soo baxo dalka Soomaaliya.

“Waxaa la gaaray waqtigii ciidamadeenu kasoo bixi lahaayeen Soomaaliya” ayuu yiri Uhuru Kenyatta oo hadda booqasho ku jooga dalka Maraykanka.

Labada madaxweyne, waa Kenya iyo Maraykanke, waxay sidoo kale kawada hadleen arimaha ganacsiga iyo dhaqaalaha, xilli dalka Kenya ay galaan gal dhanka ganacsiga ah ku leeyihiin shirkado ka socoda dalka Shiinaha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular