HomeAll newsDiraasad: 40% shacabka Maraykanka waxaa heysata dhibaato dhaqaale oo aad u liidata.

Diraasad: 40% shacabka Maraykanka waxaa heysata dhibaato dhaqaale oo aad u liidata.

Machad laga leeyahay dalka Maraykanka, islamarkaana sameeya diraasaad iyo baaritaanno la xiriira shacabka Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in malaayiin ruux oo Ameericaan ah ay ku noolyihiin xaalad aad u liidata oo dhanka nolosha ah.

Wuxuu machadkan oo lagu magacaabo Urban Institute hoosta ka xariiqay in kudhawaad kala bar shacabka Maraykanka ay ku noolyihiin dhaqaale xumo baahsan, isalmarkaana xitaa aysan awoodin iney iska bixiyaan qarashaadka ku baxa waxyaabaha tiirarka nolosha ah, sida Biyaha, korontada, caafimaadka iyo waxyaabaha lamidka ah.

Baaritaankan oo laga sameeyay 97% guud ahaan gobollada Maraykanka, kana qeybgaleen kumanaan ruux ayaa dadka ka qeybgalay waxay da’doodu u dhexeysay 18 sano illaa 64 sano, waxaana soo baxday natiijo la yaab leh.

39.4% guud ahaan shacabka Maraykanka waxay wajahayaan dhibaato dhanka nolosha oo hal dhinac ah, halka 23.7 ay heysato dhibaato dhaqaale oo dhinacyo badan leh.

Inkastoo dad badan oo muslimiin ah kuna dhaqan qaaradaha Africa iyo Asia ay ka aaminsanyihiin Maraykanka inuu yahay dal barwaaqo ah, hadana waxyaabaha la yaabka leh ee ay diraasadu cadeysay waxaa kamid ah in 23.3% guud ahaan shacabka Maraykanka ay ku dhib qabaan helitaanka cunto ku filan.

18% ma awoodaan iney iska bixiyaan qarashaadka caadiga ah ee bil weliba ku baxa guriga, sida kirada guryaha, korontada, tubada biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada, 17.8% ma helaan daryeel caafimaad sababo la xiriira iyagoo aan heysan lacag ay isbitaallada ku aadaan.

Waxay sidoo kale diraasadda uu sameeyay machadka Urban Institute ogaatay in 13% guud ahaan shacabka Maraykanka aysan ku bixin lacagaha ay soo saarto korontada, tubada biyaha iyo si guud qarashaadka ay soo deensadaan waqtiyada loogu talagalay, waxaana arintaas darteed dhacda in dad badan laga jarto adeegyada ay helayaan sida biyaha iyo korontada.

Si guud diraasadan cusub waxay muujisay dhibaatada dhaqaale ee uu ku noolyahay shacabka Maraykanka, waana xaaladda dhabta ah ee ay ku noolyihiin taas oo marnaba aysan warbaahintoodu banaanka soo dhigin, marka laga reebo xarumaha cilmi barista oo arimahan banaanka soo dhiga si wax looga qabto.

Maraykanka waxaa dhaqan oo hanti heysata dad aad u yar oo degan magaalooyinka waaweyn ee dalkaas, waxaana inta kale heysata xaalad aad u liidata oo dhanka nolosha ah, taas oo xitaa keenta in inta ugu badan dhalinyaradooda ay gaangistarra noqdaan ama iyagoo ciidan ah usoo shaqo doontaan wadamada islaamka, halkaas oo ay ku gumaadaan muslimiinta.

Arintan dhaqaala xumida ah waxay aad u korortay wixii ka dambeeyay markii si guud reer galbeedka ay u falliseen, hantidooda ugu badanna ku bixiyeen dagaallada ay kaga jiraan caalamka islaamka, waxaana ay dhex fadhiyaan mushkiladii uu la rabay sheekh Usaama bin laadin oo la dhihi karo wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyay ee Maraykanka ku furay dagaal dhaqaale, markii uu beegsaday daarihii dhaadheer ee Washington iyo Newyork.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular