Maamulka iyo wariyaasha Idaacadda islaamiga ee Al-furqaan waxay Umadda Islaamka gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ah ugu hambalyeynayaan munaasabadda Ciidul-Adxal Mubaarak.
Waxaan leenahay Umada Soomaaliyeed iyo dhageystayaasheena meel weliba oo ay caalamka ka joogaan
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال
Waxaan Nafteena iyo tiinaba ku boorineynaa inaan ku dadaalno sidii farxadda maalmaha ciida ay inoola wadaagi lahaayeen dadka danyarta ah ee jooga meel weliba, qof kastana haku dadaalo in ugu yaraan uu ciid siiyo labo ama mid kamid ah caruurta muslimiinta gaar ahaan kuwa Agoomaha.
Nabiga SCW wuxuu Xadiith ka sugnaaday ku yiri:-
وهل تنصرون وترزقون إلا بضعفائكم
Ugu dambeyn markale waxaa idin leennahay Ciid mubaarak, Alle acmaasheena kheyraadka ah ha inaga aqbalo, waxaan si gaar ah ugu hambalyeynaynaa dadka muslimiinta ee sanadkan gutay waajibaadka Xajka.
Maamulka iyo Wariyaasha Idaacadda Islaamiga ee Al-Furqaan.
10-DulXaj-1439
asc
Warakra gudaha
Baraamijo gaar ah