HomeAll newsYahuudda Oo duqeymo ka geystay magaalada Qazza ee Filastiin.

Yahuudda Oo duqeymo ka geystay magaalada Qazza ee Filastiin.

Ciidamada Yahuudda ee xooga ku heysta dhulka Filastiin, kuna sugan deegaanna ku yaala xuduud beenaadka dhulka ay iyagu xooga ku heystaan iyo magaalada Qazza ayaa duqeymo ku garaacay magaalada Qazza oo ay ku noolyihiin malaayiin ruux oo muslimiin ah.

Duqeymaha oo u muuqday mid lagu beegsanayay saldhigyo iyo goobo milliteri oo ay ku suganyihiin kooxaha Muqaawamada Filastiin ayaa lagu soo waramayaa in qaarkood ay sababeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaradah Yahuudda ay beegsadeen meelo kamid ah magaalada Qazza oo uu ku jiro god ay isticmaalaan kooxaha wax iska caabinta.

Aroornimadii hore ee saaka ayay dadku kusoo baraarugeen dhawaqa diyaaradaha iyo madaafiicda ay tuurayaan, waxaana duqeymaha shalay ka dhacay Qazza ku shahiiday dad muslimiin ah oo ay ku jiraan labo caruur oo da’yar.

Kooxaha Muqaawamada dhankooda waxay sawaariikh ku garaaceen deegaannada xooga lagu deegaameyey Yahuuda ee u dhow magaalada Qazza, waxaana  cabsi iyo xaalad wal wal ah ka taagantahay deegaannadaas.

Duqeymaha saaka Yahuudu ku garaaceen Qazza ayaa imaanaya iyadoo heshiis xabad joojin oo ay gar wadeyn ka ahayd dowladda Masar ee uu hogaamiyo Siisi la dhex dhigay Yahuuda iyo Muqaawamada, waxaase muuqata Yahuuudu iney ka baxeen heshiiska.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular