Xilli ay si toos ah usoo shaac baxeen xabsiyada sumcada xun ee dowladda Imaaraatka uga furan dalka Yaman ayay xukuumadda taagta daran ee wadankaas waxay ka codsatay Imaaraatka in gebi ahaanba ay xirto xabsiyadaas.
Kulan dhexmaray wasiirka arimaha gudaha ee xukuumadda Yaman Axmed Al-meysari iyo wasiiru-dowlaha iskaashiga caalamiga ee Imaaraatka haweeneyda lagu magacaabo Riim Al-haashimi ayay kaga hadleen suurta galnimada in la xiro xabsiyada Imaaraatka uu ku leeyahay koonfurta wadanka Yaman.
Sida ay sheegtay wakaaladda Saba’ labada wasiir ayaa ku kulmey qasriga madaxtooyada kumeel gaarka ee Al-macaashiiq ee ku yaala magaalada Cadan ee dalka Yaman.
Wasiiru-dowlaha iskaashiga caalamiga ee Imaaraatka ayaa shaaca ka qaaday in dowladeeda ay diyaar u tahay iney meesha ka saarto caqabad kasta oo hortaagan in howlaheeda si wanaagsan u qabsato.
Kulanka labada wasiir ayaa yimid iyadoo dhawaan hooyooyinka ay wiilashooda ku xiranyihiin xabsiyada dowladda Imaaraatka ee Yaman ay banaanbax ka hor dhigeen guriga wasiirka arimaha gudaha xukuumadda Haadi, waxayna ka codsadeen inuu meel ku sheego caruurtooda.
Dhawaan ayaa warbixin dheer oo ay qortay wakaaladda AP waxay ku sheegtay in xabsiyo lamid ah Abuu-Ghureybkii Ciraaq ay ka furtay Imaaraatka wadanka Yaman, halkaas oo si arxan daro ah loogu tacdiibyo dadka masaakiinta ah.
Wakaaladda ayaa waraysatay oo la hadashey dad soo maray xabsiyada ay Imaaraatku ku leeyihiin wadanka Yaman, waxaana ay xaqiijiyaan in wax weliba oo gabood fal ah lagula kacay oo ay kamid tahay xitaa iyagoo rag ah in la kufsaday.