Dagaalyahanno katirsan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala gudaha dhulka ay Kenya xooga ku heysato ee ay leeyihiin dadka muslimiinta ayaa weerar culus ku qaaday ciidamo katirsan dowladda Kenya.
Ciidamada Mujaahidiinta oo aad u hubeysnaa islamarkaana qorsheeyay duulaankooda ayaa fara saaray ciidamada Kenyaatiga ee ku sugan deegaanka Haamey ee gobolka Gaarisa oo kamid ah gobollada NFD ee ku jira gumeysiga Kenya.
Ugu yaraan 3 askari oo kenyaati ah ayay Mujaahidiintu ku dileen dagaalka ay qaadeen, waxaana sidoo kale ay gacanta ku dhigeen gaari nooca gaashaman ah oo ay lahaayeen ciidamada Kenya.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay sidoo kale gubeen xarunta shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ay ku lahayd deegaanka la weeraray.
Gudaha dhulka Kenya ay gumeysiga ku heysato waxaa si dardar leh uga dhaca weeraro iyo howlgallo Jihaadi ah oo kala duwan, kuwaas oo ay fulinayaan guutooyinka milliteriga Mujaahidiinta ee ka howlgala dhulkaas.