HomeAll newsWaa Kuma Cumraan Khaan oo ku guuleystay doorashooyinka Pakistaan?

Waa Kuma Cumraan Khaan oo ku guuleystay doorashooyinka Pakistaan?

Wargeyska Spaniol ee kasoo baxa dalka Spain ayaa baahiyay warbixin uu kaga hadlayo taariikhda siyaasadeed Cumraan Khaan oo xisbigiisu ku guuleystay aqlabiyada kuraasta baarlamaanka wadanka Pakistaan.

Wuxuu wargeysku shaaca ka qaaday in Cumraan Khaan uu ahaaa qof caan ka ah sports-ka iyo baraha bulshada, wuxuuna dhanka kale ku caan baxay ciyaal suuqnimada iyo anshax darada, iyadoo ay sidaas tahayna wuxuu maanta noqday hogaamiyaha wadanka Nucleaka leh ee Pakistaan, sida uu wargeysku sheegayo.

Waa 65 sano jir, 21 sano kamid ah noloshiisa ku qaatay siyaasadda iyo xil raadinta, waxaana u dhaboobay qeyb kamid ah waxyaabihii uu daneynayay, mudada dheerna uu u sacyinayay.

Fatrada dheer ee uu tartamayay wuxuu Cumraan Khaan ballanqaaday inuu la dagaallami doono musuq maasuqa, islamarkaana dhisi doono dowlad sal adag leh, balse sida looga bartay siyaasiyiinta isaga lamidka ah, ballanqaadyada ay bixiyaan waa halkudhigyo lagu doonayo in lagu qaldo shacabka masaakiinta ah ee reer Pakistaan ee tiradoodu lagau sheego 250 milyan oo ruux.

Sanadkii 1996-dii ayuu Cumraan Khaan aas-aasay xisbiga Al-Insaaf, wuxuuna xisbigan doorashooyinkii sanadkii 2002-da uu hal kursi ka helay doorashooyinkii Pakistaan, xilligaas oo uu maamulka  dalka gacanta ugu jiray nidaamka milliteriga ee Barwiiz Musharaf.

Nolosha dalka Pakistaan ka jirta ayuu taqriirka wargeyska Spain kasoo baxa milicsanayaa, waxaana warbixinta lagu sheegayaa in siyaasiyiinta iyo madaxda axsaabta oo keliya ay ku jiraan nolol wanaagsan, halka baagamuundada ay dillootay dhalinyarada, kuwaas oo dalka dibadiisa u safra, si ay u helaan fursado shaqo oo ay ku maareyn karaan noloshooda iyo tan qoysaskooda.

Waxaa aad u kordhay caruurta dhallaanka ah ee ku geeriyoonaya gudaha isbitaallada, tayo darida dhakhaatiirta iyo dawada awgeed, waxaana Cumraan Khaan isagoo arimahaas ka faa’ideysanaya uu ololaha doorashadiisa ku ballanqaaday inuu wax badan ka qaban doono dhibaatooyinka jira.

Guusha uu gaaray Cumraan Khaan waxay siyaasiyiinta iyo dadka wax taxliiliya sheegayaan iney u horseedeen ciidamada Pakistaan, oo hogaankooda ay aad ula dhacsanyihiin Cumraan, una arkaan inuu yahay hogaamiye daacad u ah ciidamada.

Intii ay socdeen tirinta codadka waxay siyaasiyiinta axsaabta ee doorashada ka qeybgalay ay sheegayeen iney jirto wax isdaba marin iyo musuq maasuq baaxad leh oo ay wadaan saraakiisha sar sare ee ciidamada Pakistaan.

Marka laga hadlo nolosha caadiga ah ee Cumraan Khaan wuxuu wargeyska Spaniol sheegayaa inuu noloshiisa inta ugu badan ku qaatay dalka Ingiriiska, islamarkaana guursday gabdho u dhashey wadankaas oo gaaraya illaa iyo saddex, kuwaas oo labo kamid ah uu furay, midna uu weli qabo.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular