Wararka ka imaanaya wadanka Canada ayaa ku waramaya in ruux hubeysan uu weerar ka fuliyay magaalada Tronto, isagoona geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.
Ruuxa weerarka fuliyay oo hubeysnaa ayaa weerar ka geystay xaafadda Greektown ee magaalada Canada, waxaana lasoo sheegayaa in ugu yaraan hal ruux uu dilay, halka 13 kalana uu dhaawacay.
Ciidamada Police-ka oo goobta soo gaaray ayaa dagaal kooban la galay ruuxa weerarka fuliyay, ugu dambeyna halkaas ayay ku dileen.
Sarkaal u hadlay ciidamada Amaanka magaalada Tronto ayaa shaaca ka qaaday iney wadaan baaritaanno ay ku ogaanayaan sababaha ka dambeeya weerarka, isagoona ka gaabsaday inuu ka hordhaco.