
Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cabdul-caziiz Abuu Muscab oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta islaamiga ayaa si faafahsan uga hadlay howlgalki weynaa ee aroornimadii hore ee saaka Mujaahidiintu ku qaadeen deegaanka Baarka.
Sheekh Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarka lagu daahfuray camaliyad istish-haadi ah, markaas kadibna ciidamada lugta ee Mujaahidiintu ay duulaan xoogan ku qaadeen saldhiga ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka Jubbaland.
Dagaal kooban kadib ayuu Sheekh Abuu Muscab sheegay iney u suuragashey Ciidamada Mujaahidiinta iney la wareegaan saldhiga, gacantana ku dhigaan wixii hub ahaa ee yiilay saldhiga.
Tirada dhimashada ayuu Afhayeenku ku sheegay iney gaareyso 27 askari, isagoona intaa ku daray in laga yaabo iney sii kororto, waxaana jira dhaawacyo aad u badan oo la geeyay magaalooyinka Kismaayo iyo Muqdisho.
Dhanka kale Afhayeenka ciidamada Mujaahidiinta wuxuu soo hadal qaaday weerarkii duqeynta ahaa ee maalintii shalay lagu qaaday markab sahay u siday ciidamada Shisheeyaha ee jooga magaalada Baraawe.
Halkan ka dhagayso Sir Jaraa’id Oo uu Sheekh Abuu Muscab ku faafaahiyay Weerarkii Baarka