HomeAll newsSh/Jaamac Aadam oo Maanta Lagu Aasay Sh/hoose. "رحمه الله‬‎" (Sawirro+Warbixin)

Sh/Jaamac Aadam oo Maanta Lagu Aasay Sh/hoose. “رحمه الله‬‎” (Sawirro+Warbixin)

Inkasta oo uu qofka walbaahi dhimanayo maalinta ay tiisa timaado, haddana waxaa jirta in geeridu kala xanuun badan tahay.

Qof baa markii uu dhinto saameynta geeridiisu noqotaa mid ku kooban eheladiisa, oo waa qofka iska caadiga ah. qofna waxay geeridiisa taabataa bulshada oo dhan, waana qofka Culimada ah ee dadka barayay Diinta islaamka.

Culimadu waa kuwii dhaxlay Ambiyada, geeridoodana waa mid ka dhigan qeyb kamid dhaxalkii Ambiyada oo la waayo.

Rabbi Naxariistii Janno haka waraabiyo’e, waxaa habeenkii xalay gobolka Sh/hoose ku geeriyooday Sheekh Jaamac Aadam, oo kamid ah culimada diinta islaamka.

Sheekha ayaa xilligii fiidka ku geeriyooday Isbitalka guud ee magaalada Kuunyo Barrow, kadib markii uu xanuun kusoo booday intii u dhaxaysay Maqribkii iyo Cishihii.

Xilligii uu Allaah, oofsanayay Sheekha, waxaa la tacaalayay dhaqaatiirta iyadoo ay hareerihiisa taagnaayeen dad u badan Culimada iyo jamaacada masjidka weyn ee Quba.

Dhaqaatiirtu waxay muddo ahaayeen kuwa iska ilaalinayay sheegista geeridiisa, si ay hubsiimo badan u sameeyaan dhanka kalana u ilaaliyaan shacuurta dadka faraha badan ee goobta joogay.

Markiise ay lama huraan noqotay natiijada, dhaqaatiirtuna ay ku dhawaaqeen, ayaa waxaa durbadiiba la sameeyay gudi ka shaqeeya Janaasada iyo aaska.

Markii Sheekha la geeyay qolkii loogu tala galay ayaan anigu kasoo tegay Isbitalka, waxaana xusid mudan in ay wadooyinka iiga hor imanayeen dad koox koox iyo qof qof u socda oo markaas geerida soo maqlay.

Sidoo kale Janaasadiisa oo salaadii Fajarka kadib ka dhacday masjidka weyn ayaa waxaa soo xaadiray dad aad u badan kuwaasoo qaarkood xataa kusoo dukaday masaajidda kale, kadibna waxaa loo qaaday xabaalaha oo magaalada u jira qiyaastii 4 KM.

Inta u dhaxaysa Wadada iyo Qabuuraha, waxaa is qabsaday gaadiidkii ay saarnaayeen dadka iyadoo xataa ay qaar kale oo bulshada kamid ahi cagahooda maalayeen.

Haddaba markii la aasay Sheekha, ayaa waxaa goobta ka hadlay Culimo uu kamid yahay Sheekh Faarax, kaasoo dadka muslimiinta ah u dardaarmay iney Sheekha u duceeyaan iyagana ay Allaah ka baryaan inuusan gadaashii fitnayn.

Allaah, hu raxmado’e, Sheekh Jaamac Aadan, ayaa ahaa udub dhaxaad had iyo goor ku dadaala gudbinta Diinta gaar ahaan wax yaabaha loogu baahida badan yahay xilli kasta oo markaasi la joogo.

Sheekha ayaa wuxuu la gaar ahaa u kaalmeynta dadka masaakiinta ah iyo isku xirka bulshada, si keeda taajirkiihi uu u tabantaabiyo kan taagta daran.

Marar badan wuxuu ka istaagi jiray masjidka isagoo dad weynaha ka uruuruin dalbaya dhaqaale lagu kaalmeeyo qof ama dad duruufeysan. Intaa waxa dheer oo uu kaalin weyn ku lahaa dhismaha masaajidda.

Sheekhu wuxuu labo kitaab ka aqriyay idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan kuwaasoo kala ah “Min akhlaaqisalaf” iyo “Cumdatul-mar’ah” oo boqol xadiith ka kooban. Si lamid ah wuxuu ka qeyb qaadan jiray barnaamijyada muhimka ah ee lagu wacyi galiyo bulshada haddey ahaan lahaayeen kuwa gaarka ah ee taariikhda iyo kuwa joogtada ah intaba.

Qof ahaan wuxuu ahaa nin dabeecad wanaagsan, aqoon leh, indheer garad guurti ah. Dadka sida gaarka u yaqaanaahina waxay inoo sheegeen inuu ku wanaagsanaa Ergeynta nooc walbey ahaataba.

Wuxuu kamid ahaa Culimadii Itixaadka, ee ka jihaaday Bari. Kadib wuxuu muddo xubin ka ahaa hey’ad ka hawl gali jirtay wugooyi galbeed (Somaliland) oo dadka fari jirtay samaha xumaantana reebi jirtay.

Wuxuu dhib badan kasoo maray dhaqan galinta shareecada islaamka, waxaana jirta in mar lagu xiray goboladaas. Hadda wuxuu kamid ahaa Culimada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ee iyagu u banbaxay iney naftooda iyo maalkooda u huraan sidii ay shisheeyaha dalka uga difaaci lahaayeen.

Wuxuu ahaa Muhaajir isagoo waliba xanuunsanaya kasoo tegay baladkii uu ku dhaqnaa oo ku yaala wuqooyi galbeed.

Sheekh Jaamac Aadan ayaa sidoo kale ahaa nin dadka muslimiinta ah ku dhiira galiya jihaadka, wuxuuna marar badan kala hadli jiray adduunyo jacaylka iyo geeri nacaybka.

Allaah u naxariisto’e Sheekh Jaamac Aadam, ayaa wuxuu ifka kaga tegay laba Xaas iyo 11 ruux oo uu dhalay isuguna jira caruur iyo dad qaan gaar ah.

Wuxuu ahaa Sheekh caruurtiisa ku dhiira galiya halganka, waxaana xusid mudan in wiil uu dhalay uu horey u shahiiday Allaah, haka aqbalo’e.

 

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

  1. Ilaahay naxariistii janno ha siiyo sheekha ,eheladiisiin iyo ummada muslimiinta ahana samir iyo iimaan ha ka siiyo . ummada Somalilandna alle hasiiyo badalkiisii ,waayo culimadda rabbaniyiinta ahi way ku yar tahay Somaliland waxaa ku badan culumaa u sulda iyo qubuuriyiin,sidaasi darteed alle badalkiisii ha siiyo ,hana u badiyo rabbaaniyiinta .dadkaasi aad ayey ugu baahanyiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular