War-baahinta islaamiga ah ee Al-furqaan, waxaa u suura gashay iney wareysi gaar ah la yeelato Ugaaska guud ee Beesha Geeledle, Ugaas Raage Macallim Barre Macallim Ax’ed oo Khamiistii lasoo dhaafay lagu doortay degaanka madiinatul Khaur, ee wilaayada islaamiga Bay iyo Bakool.
Ugaaska ayaa waxaan ugu horreyn kala sheekeysanay taariikh nololeedkiisa iyo inta ay gaarsiisan tahay waaya aragnimadiisa, waxaana uu sheegay inkastoo mas’uuliyaddu tahay mid adag haddana inuu kasoo bixi doono inta awoodiisa ah, isgaoo Allaah ka baryay inuu ku garab galo.
Sidoo kale mar aan weydiinay waxa uga qorsheysan magaalooyinka ay Xabashidu heysato, gaar ahaan kuwa Bay iyo Bakool iyo guud ahaan wadanka Soomaaliya, ayaa wuxuu sheegay iney ka dagaalami doonaan gumeysiga dhulkeena lagu hayo.
Su’aalo badan oo la xiriira mas’uuliyaddiisa ayaan intaasi kadib weydiinay, ugu dambeyntiina wuxuu wareysiga kusoo gabagabeeyay dardaaran muhim ah oo ku socda beesha uu mas’uulka u noqday.
Halkan ka dhagayso Waraysiga Ugaaska guud ee beesha Geeledle.