Wilaayaadka islaamiga ah ee Bay iyo Bakool, oo aan usbuuc ka hor booqasho ku tagnay, ayaa waxaan kusoo aragnay horumarro kala duwan oo dhinac walba ah.
Dhanka arrimaha bulshada, waxaa wilaayada aad ugu soo badanaya ganacsiga yar yar, waana ay ka duwananyd sidii ay ahayd sannadkii hore.
Magaalooyin iyo degaano dhowr ah oo aan booqanay sida:-Buulo-fullaay, Ufurow, Xabaal barbaare iyo kuwa kale, ayaa waxaa kusoo biiray dhismayaan ganacsi oo u badan kuwa yar yar.
Qaar kamid ah ganacsatada ayaa waxay inoo sheegeen iney ka yimaadeen magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, sababo la xiriira dhibaatooyin ay la kulmayeen, oo ay kamid yihiin, xirnaanshaha wadooyinka, amni darrada, canshuurta is daba joogga ah ee laga qaadayo iyo wax yaabo kasoo badan. Ujeedada ugu weyn ee ay halkan uga ganacsiga billaabeen waa amniga iyo kala dambeynta.
Sidoo kale waxay magaalooyinkan u muuqdaan kuwa ay deggan yihiin bulsho badan taasoo dadka reer miyiga ah fursad usiisay iney xoolahooda suuq u helaan.
Ganacstada yar yar ee reer miyiga ee suuqyada lagu arkayo waxaa kamid ah kuwa ka beec mushtara Digaaga. Dhulkanna digaagu wuxuu ka yahay raqiis kaasoo sidoo kale loo iib geeyo magaalada Muqdisho.