HomeAll newsSarkaal Sare oo katirsan Maamulka Puntland Oo Gaalkacyo Lagu dilay.

Sarkaal Sare oo katirsan Maamulka Puntland Oo Gaalkacyo Lagu dilay.

Rag hubeysan ayaa magaalada Gaalkacyo ku toogtay sarkaal sare oo katirsan maamulka Puntland.

Cabdi-rashiid Xassan Xaashi oo ahaa taliyihii hore ee ciidamada birmadka maamulka Puntland ayay xalay rag hubeysan ku toogteen xaafadda Israac ee magaalada Gaalkacyo gobolka Mudug bartamaha Soomaaliya.

Sarkaalka ayaa dhowr xabadood waxaa looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa, taas oo keentay in durba uu goobta ku quur baxo.

Wuxuu jagooyin kala duwan kasoo qabtay maamulka Puntland ee gacan saarka la leh Xabashida.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa durba sheegatay mas’uuliyadda dilka sarkaalkan sare ee katirsan maamulka Puntland, wuxuuna dilkiisa kamid noqonayaa silsilado dilal qorsheysan ah oo ciidamada qarsoon ee Al-Shabaab ku beegsadeen saraakiisha maamulka Puntland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular