Wararka ka imaanaya magaalada Afgooye oo 30KM u jirta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa ku waramaya in halkaas lagu dilay sarkaal sare oo katirsan sirdoonka dowladda.
Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duleedka Afgooye waxay ku dileen Korneel Guudle Maxamed Nuur oo ahaa ku simaha taliyaha Nabadsugida magaalada Afgooye.
Korneelka markii la dilay kadib waxaa laga qaatay gaari nooca raaxada ah ee loo yaqaano NOHA iyo qori uu watay.
Dilka Sarkaalkan ayaa dhabar jab ku ah dowladda federaalka gaar ahaan qeybta Sirdoonka, waxaana sii kordhaya ugaarsiga gaarka ah ee ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku hayaan saraakiisha iyo ciidamada PS-ta ee sida dhow ula shaqeeya sirdoonnada Reer-galbeedka.