Rag hubeysan ayaa goordhow magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxay ku dileen sarkaal katirsan ciidamada Police-ka dowladda federaalka iyo Askari Ilaalo u ahaa.
Dilka Sarkaalka iyo Askariga ilaalinayay waxa uu ka dhacay isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Raga dilka geystay ayaa qaatay hubkii ay wateen sarkaalka iyo istaafkiisa, waxayna si nabad geliyo ah uga baxsadeen goobta.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in raga dilka fuliyay ay si xirfadeysan u fuliyeen howlgalkooda, waxaana ka muuqatay sida la sheegayo dhiiranaan iyo geesinimo la yaab leh.
Magaalada Muqdisho waxaa si joogta ah uga dhaca howlgallada lagu ugaarsanayo saraakiisha iyo ciidamada dowladda, waxaana guutooyinka Muxamed bin Maslama ee Al-Shabaab kana howlgala Muqdisho ay sii laba jibaareen howlgallada iqtiyaalaadka ah.