HomeAll newsSaraakiil Sar sare oo katirsan Sirdoonka Dowladda Oo shaqada laga eryay, Kadib...

Saraakiil Sar sare oo katirsan Sirdoonka Dowladda Oo shaqada laga eryay, Kadib Weeraradii Nawaaxiga Madaxtooyada.

Kadib howlgalkii ballaarnaa ee maalintii Sabtida dagaalyahanno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku qaadeen goobo muhiim ah oo ku yaala nawaaxiga madaxtooyada iyo baro kontrool oo ay ku suganyihiin ciidamada dowladda ayaa waxaa sii kordhaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Ugug yaraan 25 ruux oo u badan ciidamada ilaalada madaxtooyada iyo shaqaalaha dowladda ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday howlgalladan oo ay fuliyeen inqimaasiyiin katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Howlgalkan wuxuu markale banaanka soo dhigay habacsanaanta dhanka amni ee heysta laamaha amaanka ee dowladda, iyo sidoo kale khilaafaadka ragaadiyay saraakiisha dowladda.

War qoraal ah oo kasoo baxay Agaasimaha hay’adda Nabad-sugida dowladda federaalka Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa xilka looga qaaday taliye kuxigeenkii koowaad iyo taliye kuxigeenkii labaad ee hay’adda Sirdoonka dowladda.

Taliyaasha xilalkooda waayay ayaa kala ah Sarreeyo guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo Gaashaanle sare Cabdul-qaadir Maxamed Nuur, waxaana xilka ka qaadistooda ay timid kadib weerarkii ballaarnaa ee Sabtidii lagu qaaday nawaaxiga madaxtooyada, khasaaraha badanna dhaliyay.

Warar la helayo waxay sheegayaan in labada taliye ay ku gacan seyreen xil kaqaadista lagu sameeyay, iyagoona iska diiday in dhabarka loo saariyo mas’uuliyadda weeraradii waaweynaa ee lagu qaaday difaacyda hore ee madaxtooyada iyo xarumaha muhiimka ah ee ku yaala nawaaxigaas.

Maxamed Abuukar Islow oo ah wasiirka amniga dowladda federaalka oo ay taageeriyaashiisu ka sugayeen inuu la yimaado sababo ay ku qanci karaan oo ku aadan waxa looga horatgi waayay weeraradii waaweynaa ee laba todobaad oo isku xigta ay la kulmeen xarumaha ugu muhiimsan dowladda ayaa eed kala dul dhacay shacabka magaalada Muqdisho.

Shacabka magaalada Muqdisho oo wajahaya culeesyo ballaaran oo ku aadan wadooyinka ugu muhiimsan caasimadda oo mar weliba xiran ayaa hadana marka ay weeraro dhacaan waxaa u dheer iney eed iyo canaan kala kulmaan madaxda dowladda, iyo xadgudubyo kaga imaanaya ciidamada dowladda ee wadooyinka taagan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular