Wararka ka imaanaya wadanka Yaman ayaa sheegaya in howlgal ka dhacay dalkaas ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen askar iyo saraakiil katirsan malleeshiyaadka shiicada Xuuthiyiinta.
Dagaalyahanno katirsan mujaahidiinta Ansaaru-Shareeca ayaa weerar qorsheysan waxay ku qaadeen fariisin militeri oo ay ku sugnaayen malleeshiyaadka Xuuthiyinta, waxaana la gaarsiiyay khasaare kala duwan.
Weerarka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Dhayaab oo katirsan gobolka Al-beydaa ee bartamaha Yaman, waxaana ku dhintay 4 xuuthiyiin ah oo uu ku jiro sarkaal lagu magacaabo Sadaam Xuseen Ashram.
Waxaa sidoo kale howlgalka ay Mujaahidiintu qaadeen ku dhaawacmey sarkaal katirsan Xuuthiyiinta oo lagu magacaabo Abuu haashim Ar-riyaami.
Maalmihii tagay waxaa dalka Yaman, gaar ahaan gobolka Al-beydaa ee dhaca bartamaha wadankaas ka dhacayay howlgallo iyo dagaallo ka dhan ah malleeshiyaadka Xuuthiyiinta, kuwaas oo khasaare adag lagu gaarsiiyay.