HomeAll newsRa'iisul Wasaarihii hore ee Pakistaan Oo Dhowr sano oo Xabsi ah Lagu...

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistaan Oo Dhowr sano oo Xabsi ah Lagu xukumay.

Maxkamad ku taalla wadanka Pakistaan ayaa shaaca ka qaaday in ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistaan Nawaaz Shariif lagu xukumay toban sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay musuq-maasuq iyo lunsasho hanti dowladeed.

Go’aankan ay qaadatay maxkamadda sare ee dalka Pakistaan ayaa dharbaaxsho kulul ku ah Nawaaz Shariif oo doonayay inuu kaqeybgalo doorasho madaxtinimo oo dhawaan ka dhici doonto dalka Pakistaan.

Isaga iyo gabar uu dhalay ayay maxkamadu sheegtay in lagu helay musuq-maasuq, waxaana gabadha lagu xukumay todobo sano oo xarig ah, halka nin iyada qaba oo xubin ka ah xisbi ka dhisan Pakistaanna lagu xukumay hal sano.

Nawaaz  Shariif iyo qoyskiisa ayaa degan magaalada London, waxayna halkaas ku leeyihiin guri dabaq ah oo aad u qurux badan oo uu iibsaday intii uu ahaa ra’iisul wasaaraha Pakistaan.

Tasriibaad dhawaan soo baxay ayaa muujinaya nolosha ay ku noolyihiin Nawaaz iyo qoyskiisa.

Nawaaz Shariif oo ka hadlay xukunka xariga ah ee ay soo saartay maxkamadda ayaa sheegay in marka ay xaaskiisa oo xanuunsan caafimaado ku laaban doono Pakistaan, si uu u dhex dabaasho arimaha siyaasadda, waxaana uu sheegay in xitaa haddii la xiro uu halkiisa ka wadi doono arimaha siyaasadda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular