Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha hoose waxay ku waramayaan in qarax xoogan lala eegtay gaari nooca Cabdi bile ah oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan kuwa sida gaarka ah ula shaqeeya Maraykanka degan xerada Ballidoogle.
Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa gebi ahaanba burburiyay gaariga lala eegtay, waxaana halkaas waxyeelo kasoo gaartay inta badan ciidamadii saarnaa.
Inkabadan 10 Askari oo kamid ahaa ciidamada ay Maraykanku tababareen ayaa ku geeriyootay qaraxan, halka kuwa kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.
Mas’uuliyadda Qaraxan khasaaraha badan dhaliyay waxaa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.