Dalka Maraykanka waxaa ka dhacay arin la yaab leh oo muujineysa dhibaatada dhanka bulshada ee ay kunool yihiin shacabka Maraykanka ee sheegta inuu yahay shacab ilbax ah.
Aabaha qoys ameerikaan ah ayaa gebi ahaanba dilay caruurtiisa, iyo xaaskiisa, waxaana markaas kadib uu madaxa isaga dhuftay rasaas nool, isagoona goobta ku quur baxay.
Dhacdadan ayaa ka dhacday gobolka Delaware ee dalka Maraykanka, waxaana ninkan uu dilay xaaskiisa iyo saddex caruur ah oo isagu dhalay oo dhamaantooda ka yaraa todobo sano.
Saraakiisha Booliiska oo warbaahinta la hadlay waxay xaqiijiyeen inuu is dilay ninkaas, islamarkaana la ogeyn sababaha rasmiga ee keenay inuu ku kaco tallaabadan.
Waa tusaale kamid ah kumanaanka xaaladood ee muujineysa dhibaatada dhanka qoyska ah ee ay ku noolyihiin shacabka Maraykanka iyo guud ahaan shucuubta reer-galbeedka.
Khilaafaatka soo kala dhexgalay qoysaska ayaa joogta ka ah Maraykanka maadaama aysan jirin kala dambeyn iyo is ixtiraam, waxaana dhacda in qofku uu ku kaco tallaabooyin tan oo kale lamid ah marka uu caroodo, iskuna arko inuu dulmanyahay.
Waa xurriyadda iyo ilbaxnimada ay ku hadaaqaan madaxda Maraykanka, islamarkaana doonayaan iney usoo dhoofiyaan wadamada muslimiinta oo aysan ka dhicin falalkan iyo wax u dhow toona.