HomeAll newsNabadoon kamid ah Ergadii Soo Xulay Baarlamaanka Koonfur-galbeed Oo La Toogtay.

Nabadoon kamid ah Ergadii Soo Xulay Baarlamaanka Koonfur-galbeed Oo La Toogtay.

Cabdullaahi Maxamed Rooble oo kamid ah nabadoonnada soo xulay baarlamaanka maamulka Koonfur-galbeed ayaa rag hubeysan waxay ku toogteen duleedka magaalada Muqdisho.

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ninkan beegsaday isagoo maraya duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim ee dhaca duleedka Garasbaallay.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka  Cabdullaahi Maxamed Rooble.

Magaalada Muqdisho waxaa marar badan ka dhacay howgallo lagu beegsanayo odayaasha ka qeyb qaatay soo xulista xubnaha Baarlamaanka, waxaana Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay horay ugu hanjabtay iney meel weliba ku beegsan doonto cid weliba oo ka qeybqaatay soo xulista Baarlamaanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular