Rag hubeysan ayaa xalay magaalada Muqdisho waxay ku dileen xubin katirsan Ergadii soo xushey baarlamaanka maamulka Koonfur-galbeed.
Odeyga la dilay waxaa magaciisa lagu sheegay Xuseen Cabdi, wuxuuna kamid ahaa eragadii xulay baarlamaanka maamulka Koonfur-galbeed ee uu hogaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Dilka Xasan waxa uu ka dhacay degmada Howl-wadaag oo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Maalmo kahor ayay ahayd markii Odey kamid ah kuwa soo xulay baarlamaanka maamulka Jubbaland lagu dilay magaalada Muqdisho, waxaana sii kordhaya dilalka qorsheysan ee ka dhacaya Muqdisho.