HomeAll newsMid kamid ah Culimada Caanka ka ah Xarameynka Oo Xabsiga La dhigay.

Mid kamid ah Culimada Caanka ka ah Xarameynka Oo Xabsiga La dhigay.

Sheekh Safar Al-Xawaali.

Waxaa goordhow la xaqiijiyay in ciidamada amaanka maamulka Aala-Sucuud ay xabsiga dhigeen Sheekh kamid ah culimada ugu caansan dhulka Xarameynka.

Sheekh Safar Al-xawaali iyo labo wiil oo uu dhalay ayay ciidamada Amaanka maamulka Aala-Sucuud xabsiga dhigeen, waxaana arintan aad looga hadal hayaa baraha bulshada.

Wiilasha kala ah Cabdullaahi iyo Cabdi-raxmaan ayaa iyagana saacado kadib markii aabahooda la xiray xabsiga loo taxaabay, waxaana laga watay xaflad aroos oo ay joogeen.

Sheekh Safar Al-Xawaali ayaa dhawaan qoray kitaab ka kooban 3000 Page, kaas oo uu kaga hadlayo arimo xasaasi ah oo ka jira dhulka Xarameynka.

Sheekha wuxuu ka horyimid oo uu sharci daro ku tilmaamay hantida faraha badan ee Donald Trump maamulka Aala-Sucuud ay siiyeen, isagoona dhanka kale ka digay isbedellada kasocoda dhulka Xarameynka ee ay kamid tahay dhaqan dooriska lagu wado gabdhaha iyo shaneemooyinka la furay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular