Ugu yaraan illaa iyo 6 askari ayaa meydadkooda lagu soo bandhigay fagaare ku yaala magaalada Jamaame ee wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka, kuwaas oo kamid ah ciidamadii maanta lagu dilay dagaalkii weynaa ee Baarka.
Dadweyne aad u farabadan oo katirsan dadka magaalada Jamaame ayaa usoo daawasho tagay meydadka askarta katirsan maamulka Jubbaland ee lagu soo bandhigay magaalada.
Dagaalka maanta dhacay ayaa khasaare adag waxaa lagu gaarsiiyay ciidamada uu Maraykanku tababaray ee katirsan maamulka Jubbaland.
Weerarka oo lagu daahfuray camaliyad istish-haadi ah waxaa lagu dilay ugu yaraan 27 askari, waxaana ciidamada Mujaahidiinta ay kusoo qaateen qanaa’im kala duwan oo aad u farabadan.