Dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa aroornimadii hore ee saaka ka dhacay deegaanka Caad oo u dhexeeya magaalooyinka Cadaado iyo Xarardheere ee gobolka Mudug, bartamaha dhulkeena Soomaaliya.
Ciidamo katirsan maamulka Galmudug ayaa duulaan kusoo qaaday deegaanka Caad oo qiyaastii 50KM u jira magaalada Xarardheere ee xarunta maamulka islaamiga ee Mudug, waxayna la kulmeen iskacaabin xoogan oo uga timid ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Malleeshiyaadka maamulka Galmudug ayaa dagaalka lagu gaarsiiyay khasaare culus oo nafeed, waxaana maydadka 15 askari oo katirsan ciidamada duulaanka soo qaaday ay daadsanyihiin deegaanka Caad, halkaas oo ay ku suganyihiin ciidamada Mujaahidiinta.
Ciidamada meydadkooda yaala Caad waxaa ku jira sarkaal katirsan ragga soo hogaamiyay malleeshiyaadka duulaanka soo qaaday, kaas oo magaciisa lagu sheegay Goobe Gureey.
Ciidamada maamulka Galmudug ayaa iyagoo carar ah waxay dib ugu laabteen halkii ay kasoo duulaan tageen, kadib markii ay la kulmeen dagaal culus oo faraha looga gubtay.
Gobolka Mudug waxaa ka dhisan maamul islaami ah oo qaar kamid ah degmooyinka iyo deegaannada gobolkaas gacanta kuhaya, waxaana dadka muslimiinta ah ay dareemeen naxriista shareecada islaamka.