HomeAll newsMarkab Raashiin U Siday Shisheeyaha Oo Lagu Weeraray Xeebta Baraawe.

Markab Raashiin U Siday Shisheeyaha Oo Lagu Weeraray Xeebta Baraawe.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab qeybtooda ku dagaallanta madaafiicda ayaa weerar ku qaaday Markab sahay ciidan iyo raashiin u siday ciidamada Shisheeyaha ee ku sugan magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose.

Shisheeyaha Yugaandha oo qeyb ka ah ciidamada AMISOM ee duullaanka ku jooga Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Baraawe, waxayna la kulmayaan go’doon adag oo badda iyo barriga ah oo ay kusoo rogeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Madaafiic dhowr ayaa laga horgeeyay Markabka oo doonayay inuu kusoo xirto dekadda macmalka ee Baraawe, waxaana lagu qasbay inuu baxsado, dibna u cararo.

Go’doonka adag ee saaran ciidamada Shisheeyaha ee Baraawe jooga ayaa sii adkaanaya marba marka ka dambeysa, waxaana ciidamada Shisheeye ay qaati ka taaganyihiin nolosha caadiga ah, iyadoona laga hor  istaagay isku deygii ugu dambeeyay ee bilooyinkii dambe ay ku noolaayeen.

Marar badan oo ciidamada Shisheeyaha isku dayeen in sahay u keenaan saaxiibadooda ku go’doonsan Baraawe iyagoo dhulka ku safrayay ayay la kulmeen weeraro dhiig badan looga daadiyay, gawaari dagaalna looga gubay, waxayna markaas kadib ku qasbanaadeen iney badda isticmaalaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular