
Dowladda Maraykanka ayaa war ay soo saartay waxay gebi ahaanba muwaadiniinteeda uga digtay iney u safraan dalka dhaca geeska Africa ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay iney jirto halis xoogan oo dhanka amniga ah.Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa soo saartay digniin ku socoto Muwaadiniinta American-ka ah ee doonaya inay u safraan wadanka Soomaaliya, waxaana wasaaradu sheegtay iney si isku mid ah halis amni uga jirto gobollada koonfur, bari iyo wuqooyiga Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda islamarkaana lagu faafiyay barta Internetka ay ku leedahay ayaa looga digay muwaadiniinta Maraykanka iney aadaan Soomaaliya, waxaana heerka digniinta ay tahay mid aad u sarreysa oo gaarsiisan “Danger ama Halis”.
Maraykanka ayaa sheegaya in Soomaaliya ay ka jirto khataro kala duwan oo halis ku ah muwaadiniinteeda, waxaana ugu weyn khatarta u Maraykanku sheegayo cabsi laga qabo weeraro “Argagaxiso” oo ay ula jeedaan howlgallada Mujaahidiinta, iyo sidoo kale kooxaha burcad badeedda oo dib u billaabay howlaha afduubashada Maraakiibta.
Dowladda Maraykanka ayaa aaminsan in si gaar ah loo beegsanayo muwaadiniinteeda Ameerican-ka ah, waxayna gebi ahaanba muwaadiniinteeda ku amartay ineysan aadin islamarkaana tagin Soomaaliya.
Wasaarada arimaha dibadda Maraykanka ayaa sheegtay Ineysan awood badan u lahayn inay gurmad degdeg ah la gaarto Muwaadiniinteeda ku sugan Soomaliya, Sababo la xiriira safaaarada rasmi ah oo aanu Maraykanku ku lahayn magaalada Muqdisho.
Qoraalka ay soo saartay wasaaradda arimaha dibadda Maraykanka oo ah mid dheer ayaa ugu dambeyn waxaa talooyin dhanka amniga ah lagu siiyay muwaadiniinta Maraykanka ee ka maarmi waaya iney aadaan Soomaaliya.
Talooyinka la siiyay oo ah qaarkood kuwa la yaab leh, muujinayana qal-qalka heysta Maraykanka halka uu gaarsiisanyahay ayaa waxaa kamid ah iney muwaadiniintu qaataan saacad ama mopile leh qablka GPS-ka ee lagu ogaado Ixdaathiyaatka goobta uu joogo qofka.
Dowladda Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday iney heleyso macluumaadyo sheegaya iney jiraan weeraro qorsheysan oo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la damacsantahay iney ku qaado garoomada diyaaradaha, dekadaha iyo xarumaha Shisheeyuhu ku leeyihiin Soomaaliya.
Digniintan ayaa imaaneysa iyadoo dhawaan magaalada Muqdisho uu ka dhawacay weerar si aad ah loo soo qorsheeyay oo lagu qaaday xarunta wasaaradaha amniga iyo gudaha ee magaalada Muqdisho, waxaana weerarkaas oo nafhurnimo ahaa ku dhintay inkabadan 36 ruux oo isugu jira saraakiil, ciidamo iyo xubno katirsan dowladda federaalka.