HomeAll newsMaraykanka iyo Turkiga Oo khilaafaad uu soo kala dhexglay, iyo Trump oo...

Maraykanka iyo Turkiga Oo khilaafaad uu soo kala dhexglay, iyo Trump oo ku hanjabay cunaqabateyn.

Wadaadka Branson, qofka labaad ee dhanka midig.

Markale waxaa banaanka usoo baxay khilaafka u dhexeeya dowladaha Maraykanka iyo Turkiga, kuwaas oo ay kala hogaamiyeen labo madaxweyne oo isku arka iney xikmad iyo caqli leeyihiin, balse lamid ah weel hoos ka duleela.

Dhawaan ayaa Donald Trump, madaxweynaha cunsuriga Maraykanka wuxuu shaaca ka qaaday in cunqabateyn adag uu kusoo rogi doono dalka Turkiga, haddii aanu u hogaansamin dalabaadka maamulka Aqalka cad.

Khilaafka wuxuu salka ku hayaa dalab kasoo baxay Maraykanka oo ah in Turkigu sii daayo wadaad nasraani ah oo u dhashey Maraykanka, kaas oo dowladda Turkiga ay ku amartay inaanu ka bixi Karin dalkeeda.

Wadaadka nasraaniga ah ee u dhashey Maraykanka waxaa lagu magacaabaa Andro Paranson, waxayna dowladda Turkiga ku eedeyneysaa inuu ku lug lahaa afgembigii fashilmey ee lagu doonayay in talada looga tuuro Rajab Dhayib Ordogan.

Balse sida laga dareemayo dowladda Turkiga, khilaafka soo kala dhexgalay iyada iyo Maraykanka wuu ka gun weyn yahay wadaadka ay gacanta ku heyso, waxaana muuqata in Maraykanku ku cadaadinayo iney xiriirka u jarto dowladda Iiraan.

Rajab Dhayib Ordogan ayaa shaaca ka qaaday ineysan jirin cid ku qasbi karta dalkiisa inuu ku biro isbaheysiga go’doonka dhaqaalaha kusoo rogay Iiraan, kaas oo uu hogaaminayo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Ordogan wuxuu ku  calaan calay, kuna waaniyay Maraykanka ineysan qaadan go’aanka ah in cunaqabateyn kusoo rogto, wuxuuna sheegay in haddii tallaabadaas uu qaato Trump uu waayi doono xaliif daacad u ah Maraykanka iyo danihiisa oo uula jeedo maamulka cilmaaniga ee Turkiga.

Wasiirada arimaha dibadda ee labada dal ayaa khadka teleefanka waxay isku dhaafsadeen fikrado la xiriira sida looga bixi karo khilaafka soo cusboonaaday ee u dhexeeya Turkiga iyo Maraykanka, welina ma jirto wax kasoo naasacadaaday wadahadallada labada wasiir.

Afhayeen u hadlay xukuumadda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in Maraykanka sanadihii lasoo dhaafay uu qaatay tallaabooyin wax u dhimi kara  xiriirka dibulmaasi iyo midka istiraatiiji ee u dhexeeyay labada dal.

Waxyaabaha ugu badan ee Turkigu kaga cabanayo Maraykanka waxaa kamid ah in Maraykanku diiday inuu Turkiga u gacan geliyo wadaad suufi ah oo lagu magacaabo Fatxullaahi Golan, kaas oo dowladda Turkigu ku eedeyneyso inuu abaabulay afgembigii fashilmey ee sanadkii 2016-ka.

Inkastoo Turkiga aaaney sinaba uga maarmin Maraykanka, islamarkaana labadooda ka dhexeyso masaalix badan oo ay kow ka tahay hagar daameynta muslimiinta iyo qadiyadahooda, hadana khilaafka u dhexeeya wuxuu u muuqdaa mid sii adkaanaya, waxaana muuqata in Turkigu uu markan ku feeyalayo isbaheysiga Ruushka iyo Iiraan ee legadanka kula jira Maraykanka iyo dowladaha uu hor boodayo.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular