HomeAll newsMalleeshiyaadka Khaliifa Xaftar Oo dalka Liibiya ku afduubay Haween Muslimaad ah.

Malleeshiyaadka Khaliifa Xaftar Oo dalka Liibiya ku afduubay Haween Muslimaad ah.

Dagaal oogaha mujrimka ah ee dhibaatada ka wada wadanka Liibiya ee dhaca qaaradda Africa ayaa ku kacaya tallaabooyin akhlaaq daro ah oo ka fog xeerarka dagaallada.

Malleeshiyaadka Xaftar oo go’doon adag kusoo rogay magaalada Darna ee Liibiya ayaa gacanta ku dhigay haween muslimaad ah oo kamid ah dadka magaaladaas, kuwaas oo gacanta lagu dhigay iyagoo doonaya iney ka baxsadaan magaalada Darna.

Wakaaladda wararka ee Liibiya ayaa shaacisay in ugu yaraan 9 haween ah oo ay ku jirto hooyo 90 jir ah ay gacanta ku dhigeen malleeshiyaadka Khaliifa Xaftar, waxaana haweenkaas loo taxaabay mid kamid ah xabsiyada malleeshiyaadka la magac baxay Al-karaama.

Mid kamid ah  haweenka la xiray ayaa la sheegayaa in lasoo daayay labo isbuuc kadib, waxaana intii ay xirneyd ay la kulantay dhibaatooyin kala duwan.

Malleeshiyaadka Xaftar ayaa haweenka ay gacanta ku dhigeen waxay ku doonayaan iney cadaadis ku saaraan wiilashooda ama ragooda ka dagaallamaya gudaha magaalada Darna iney isasoo dhiibaan oo ay hubka dhigaan.

Marar badan ayay dhacday in malleeshiyaadka Khaliifa Xaftar ay afduubtaan haween muslimaad ah oo aan waxba galabsan, waxaana dhaqanadan foosha xun uu Xaftar ku raalli-gelinayaa Maraykanka iyo Faransiiska.

Magaalada Darna waxaa weli ka socoda dagaallada dhexmaraya Xaftar iyo dadka muslimiinta ah, waxaana waxba kama jiraan ah warar dhawaan warbaahintu sheegeen oo ah in malleeshiyaadka Xaftar ay gebi ahaanba la wareegeen magaalada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular