HomeAll newsMadaxweynaha Iiraan Oo farriin goodis ah u diray Khaliijka.

Madaxweynaha Iiraan Oo farriin goodis ah u diray Khaliijka.

Iyadoo dhawaan madaxweynaha Maraykanka  Donald Trump uu shaaca ka qaaday in boqorka Aala-Sucuud uu ka aqbalay inuu kordhiyo soo saarka shidaalka, xilli Maraykanku isku diyaarinayo in xayiraado horleh uu saaro Iiraan ayaa waxaa arintan si cad uga hadlay madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani.

Ruuxaani oo booqasho ku maraya qaar kamid ah wadamada Yurub ayaa sheegay in haddii la is hortaago shidaalka dowladda Iiraan ay keento suuqyada caalamiga ee Shidaalka, uusan jiri doonin shidaal ka yimaada wadamada Khaliijka.

Dhigiisa dalka Maraykanka ayuu Ruuxaani ku eedayay inuusan fahmeynin micnaha hadalllada uu jeedinayo, wuxuuna u muujiyay Trump inuusan awoodin inuu ishortaago dhoofinta shidaalka Iiraan iyo suuq geyntiisa.

“haddii aad arintaas awoodo sameey, kadibna waxaad fiirisaa waxay noqon doonto natiijada” ayuu yiri Xasan Ruuxaani madaxweynaha Iiiraan mar uu la hadlayay Trump.

Hadalka Ruuxaani ayaa waxaa aad usoo dhaweeyey ciidamada ilaalada kacaanka ee Iiraan, Qaasim Suleymaani oo kamid ah saraakiisha sar-sare ee ciidankaas ayaa shaaca ka qaaday in Xasan Ruuxaani uu qaatay go’aan xikmad leh, iyaguna ka ciidan ahaan ay ku daba feylayaan hogaankooda.

“ Waxaan dhunkanayaa gacmihiina, hadalka xikmadda leh ee yimid waqtiga munaasabka ah awgeed, waxaana idin sheegaynaa inaan u diyaar u nahay inaan u adeegno Jamhuuriyadda Iiraan” ayuu yiri Qaasim Suleymaani.

Lama oga hallka ay ku dambeyn doonto xiisaddan u dhexeysa Iiraan iyo Maraykanka, oo timid kagadaal markii Trump uu bilaabay cadaadis uu saarayo dowladaha iyo shirkadaha soo dhoofiya shidaalka Iiraan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular