HomeAll newsMaamulka Aala-Sucuud Oo gebi ahaanba mamnuucay howlaha dacwda ee dhulka Xarameynka!.

Maamulka Aala-Sucuud Oo gebi ahaanba mamnuucay howlaha dacwda ee dhulka Xarameynka!.

Si lama filaan ah waxaa gebi ahaanba dhulkii dacwada iyo halkii ay kusoo degtay risaalada iyo waxyiga loo soo dhiibay Nabi Muxamed Sallaahu-caleyhi wasallam loga mamnuucay in lagu faafiyo diinta islaamka.

Amar kasoo baxay wasaaradda Awqaafta iyo arimaha diinta ayaa lagu sheegay in gebi ahanaba la joojiyay duruustii sharciga iyo muxaadaraadkii ka dhacayay masaajida ku yaala dhulka Xarameynka iyo maraakizta lagu barto diinta Islaamka.

Qoraal loo diray dhamaan maraakizta lagu barto diinta islaamka iyo maamulayaasha masaajidda ayaa lagu ogaysiiyay in illaa iyo amar dambe aysan jiri doonin wax duruus iyo muxaadaraad ay jeedin karaan ducaadda.

Maamulka Aala-Sucuud wuxuu ku amray gudiga masaajidda iyo maamulayaasha maraakizta iney amarkan ku wargeliyaan jaaliyadaha muslimiinta ee ku sugan Xarameynka iyo guud ahaan dadka muslimiinta.

Durba amarkan kasoo baxay maamulka Aala-Sucuud wuxuu ka hirgalay masaajidda iyo maraakizta islaamiga ah, waxaana la joojiyay duruus iyo xalaqaad cilmi oo ka socoday masaajidda.

Maamulka masjidka jaamica Al-rajxi ee magaalada Makkah ayaa jamaacada masjidka wuxuu ku wargeliyay in duruuf deg-deg ku timid darteed la joojiyay dowro sharci ah oo uu masjidka ka waday sheekh lagu magacaabo Axmed bin  Naasir Al-Quceymi.

Sidoo kale Jamciyada Al-Dacwa wal-Irshaad ee bariga Xaa’il ayaa shaacisay in la joojiyay diraaseynta kitaabka Zaadul-mustaqnic fil fiqhil Xambali.

Wasaaradda waxbarashada ee maamulka Aala-Sucuud ayaa dhankeeda qoraal u dirtay dhamaan maamulayaasha madaarista ku yaala dhulka Xarameynka, iyadoo ku amreysa iney jadwalkooda ay ka saaraan muxaadaraadka iyo wacyi-gelinta loo sameeyo mararka qaar ardeyda, waxaana lagu amray in lagu bedelo arintaas nadwaad loogu magacdaray baraaruga dhanka fakarka, taas oo cilmaaniyad iyo in caqliga laga hormariyo nusuusta.

Maamulka Aala-Sucuud ayaa markan usoo dhar dhigtay la dagaalanka islaamka iyo muslimiinta, waxaana dowrkiisii qarsoonaa uu markan ka doorbiday in si toos ah uu isku soo muujiyo, heer uu gaaray  in caruurta da’da yar ay fahmaan.

(mgtrailer.com)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular