Sheekh Cabdil Caziiz Alfowzaan oo kamid ah culimada ugu caansan ee taageerada u ahaa maamulka Aala-Sucuud ayaa la sheegayaa in culeesyo adag iyo xanibaad cusub lagu soo rogay.
Sida uu sheegay account faafiya wararka maxabiista ku xiran xabsiyada maamulka Aala-Sucuud, waxaa gebi ahaanba sheekh Fowzaan laga mamnuucay inuu safar dibadda ah galo, iyo inuu isticmaalo waxna ku qoro baraha bulshada ee Internetka.
Waxaa laga cabsi qabaa in maalmaha soo socoda xabsi la dhigo, ama culees intan ka badan lagu soo rogo sheekhan oo kamid ahaa taageeriyaasha maamulka Aala-Sucuud.
Culeeska lagu soo rogay ayaa yimid ka gadaal markii dhawaan bartiisa twitterka qoraal uu ku qoray uu kaga digay dagaalka cad ee markan lagu hayo diinta islaamka ee ka socoda dhulka Xarameynka, wuxuuna dadka uga digay iney qeyb ka noqdaan dagaalkaas.
Hadalkan ayaa aad uga caraysiiyay taageeriyaasha maamulka Aala-Sucuud oo ku eedayay sheekha inuu taxadinayo dowladda, kana soo horjeedo isbedelladii dhawaanahan uu ku dhaqaaqay maamulka Aala-Sucuud.
Markii uu soo baxay go’aanka safarka iyo isticmaalka Internetka looga mamnuucay sheekh Cabdil-caziiz Al-fowzaan ayuu soo qoray qoraal kooban oo uu ku codsanayo in loo soo duceeyo.
“Walaalaha aan Alle dartii u jeclahayow, ha iga hilmaamina ducooyinkiina wanaagsan, Xasbunallaahu wa nicmal wakiil” ayuu ku yiri sheekh Fowzaan qoraalka uu kusoo qoray bartiisa twitterka.
Maamulka Aala-Sucuud ayaa dhulka Xarameynka ka wada xamlo ballaaran oo uu ku beegsanayo cid weliba oo uu ka dareemo iney ka hor imaan karto siyaasadaha diin la dirirka ah ee uu wado Muxamed bin Salmaan, Sheekh Fowzaan-na wuxuu noqonayaa qofkii ugu dambeeyay illaa iyo hadda ee ay saameysay isbedelladaas.
Arintan ayaa waano u ah culimada mudaahaneeya, xaqqana kala gambada maamullada ka dhisan caalamka islaamka ee dabadhilifka u ah Maraykanka iyo Yahuudda, waxaana la gudboon culimada mar weliba iney Xaqqa cadeeyaan.