HomeAll newsMaamulihii Mashruuca Biya Xireenka Al-Nahda Oo Meydkiisa Laga helay Adis-Ababa.

Maamulihii Mashruuca Biya Xireenka Al-Nahda Oo Meydkiisa Laga helay Adis-Ababa.

Simegnew Bekele madixii mashruuca biya-xireenka An-Nahda.

Ciidamada Police-ka dalka Itoobiya ayaa helay meydka madixii mashruuca biya xireenka Al-Nahda, kaas oo maalmihii lasoo dhaafay la la’sanaa.

Simegnew Bekele oo ahaa madaxa mashruuca biya xireenka dowladda Itoobiya ay dhiseyso ee An-Nahda ayaa meydkiisa laga helay bartamaha magaalada caasimadda u ah Itoobiya ee Adis-Ababa.

Meydka Simegnew Bekele oo ku dhexjira gaari ayay ciidamada police-ku ka heleen barxadda Meskel Square ee bartamaha magaalada Adis-Ababa, waxaana la ogeyn qaabka loo dilay Bekelele iyo weliba cida dishey.

Dilka madaxii mashruuca biya xireenka An-Nahda Simegnew Bekele ayaa muujinaya qal-qalka siyaasadeed ee ka jira wadanka Itoobiya, oo uu taladiisa la wareegay Abeey Axmed.

Waxaa jira saraakiil badan oo Tigree ah kuwaas oo salluugsan qaabka uu wax u wado Abeey Axmed, waxaana laga yaabaa in saraakiishaas yihiin kuwa dilalka qarsoodiga ah ka geysanaya dalka Itoobiya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular